Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax ka dhacey wabiga dhiniciisa ay ku Shan caruur ah sidoo kalana ay ku dhaawacmeen Labo.

Goob joogayaal ayaa Mustaqbal Radio u sheegey in qaraxu yimid ka dhib markii Caruurto ku ciyaareen waxyaabaha Qarxa oo yaalay wabiga dhiniciisa,sidoo kalana dhawicii caruurta loola cararay Dagmada Qoryoolay.

Caruurta shimatay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegey in ay ka soo jeedeen qoys xoola dhataa ismarkaana ay ku ciyaareen waxyaabaha qarxa taasina ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca Caruurta.

Marar badan waxaa Curuurta Soomaaliyeed Khasaaro ka soo gaartaa haraadiga waxyaabaha qarxa oo ay caruurtu ku ciyaaraan.