Waxaa jira dhibaatoyin baaxad weyn oo ay la kulmaan dadka looga boxo balamaha jaceylka kuwaasoo ubadan dhaawacyo qalbi iyo in ay ka suusho kalsoonida.

Caanshaqa  waxaa uu mara marxalado kala duwan waana mid huwan guul iyo guul daro mana ahan wax aad celinkarto waayo waxaad arkeysaa isaga oo si uun qalbigaga ugu soo dhuuntay labada qofood oo uu ka dhaxeeyo jaceylka ayaa ah kuwa kaliya ee ka fikira wax yaabaha iyaga hor marka u ah maxaa yeelay waxaad la kulmi kartaan sadaxeeye oo idin soo kala dhax gala, kaa oo marna isaga kaa dhigi kara sxbkaa marna noqon kara cadow toos kuu soo weerara.

Wadaaga yaasha caanshaqa ee waqti iyo waayo jaceyl xambaarsan ayaa waxaa dhici karta in nasiibka uu si fudud u kala geeyo waxaa laga yaabaa qofkii ku qanacsanaa kala fugaanshaha in uu maalin dareemo xanuunka jaceylka dibna uu uso gocdo wixii laso maray.

Balse ruuxa laga dheeraaday ee la xumeeyay ayaa isaga noqda shaqsi ay ka guurto kalsoonida isla markaana ay adag tahay in uu aqbalo codsiga ruuxii uu jeclaa ee dib ugu soo laabtay qofka kalsoonida ayka suusho ee arka in si fudud looga fogaaday ayaa durbaba bilaabaya una sheegaya qofka u soo laabtay in hada uu san jaanis u heyn waxaa uu mudo kadib ku cataabayaa in uu fursada isaga beer dareeyay oo markii horeba aan loo jixin jixin.

Nolosha aduun ayaa ku dheehan wehel iyo wada jir qofkastana waxaa uu jecelhay gaarida guul balse ruux garab kugu siiya hadii aad hesho waxaa tahay shaqsi nasiib badan waxaa taaba kadaran marka aad weyso ruux garab kugu siiyo waayo waxaad noqoneysaa ruux markasta cidlada weheel u ah.

Qofka aysan xusuusta ka go’eynin ilowshaha nabarada jaceyl waxaa uu damqadaa wixii laso maray waxaa uuna u sheegaa ruuxii uu waqti hore jeclaa ee dib nasiibka ugu soo celiyay in manta ay maalintiisa tahay diidmo iyo aqbalaadba ay isaga ka fulaan.

Lamaana yaasha aan kala maarmin niyadoonada ay isku weyn tahay waa kuwo kasbankaro waqti kasto guulo ay doonayaan ineey ku talaabsadaan.

W/Q: Maxamed Ahmed Lio.