Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay degaanka Dacar Buruq ee Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Shilka ayaa ka dhacay isgoyska Dacar Buruq oo ku yaalla Waddada isku xirta Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee Somaliland.

Gaari ay la socdeen dadkaasi ayaa ka baxay jidka waxaana uu sababay dhimashada saddex qof oo la socday Gaarigii ay saarnaayeen.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa Labo Rag ah iyo Haweeney,waxaa Meydadkooda la geeyay Isbitaalka degaanka Dacar Buruq oo ah degaan isku xira Hargeysa iyo Berbera.

Waddada isku xirta Hargeysa iyo Berbera ayaa waxaa ku badan shilalka Gaadiidka,waxaana inta badan isku dhaca Gaadiidka adeegsada Waddadaas.