Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxa ay daah-furtay maanta adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad-Fourth Generation) kaas oo aad uga waxtar iyo faa’iido badan 3G & 2G oo ay Hormuud  horay u soo bandhigtay, adeeggan Internet-ka 4G waxa uu kuu sahlayaa in aad ku xiranto Kumbuyuutaradaada gacanta adiga oo Isticmaalaya Datada Mobaylkaaga, haddii loo baahdana waxa kula wadaagi kara Saaxiibadaada shaqada iyo guriga.

Hormuud Telecom waxa ay u adeegsatay horumarinta 4G hannaanka Mobile broadband oo ah fududeeya in qalabka guurguura sida Kumbuyuutarada gacanta iyo Mobaylada caaqilka (Smart Phone) lagu xiro internetka wireless  ama  xarigga lahayn, waxa kale oo lagu xiri karaa 4G qalabka qalabka madaxyada USB-ga qaata.

Waxa dheeri ku ah oo la socda adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad-Fourth Generation) adeegga kale ee LTE (Long Term Evolution) oo ah adeeg heer sare ah kaas oo kordhiya awoodda xiriirka (Network Capacity) islamarkaana badiya xawaaraha Mobaylka ee Internet-ka, taas oo u fududeyneysa in adeegsadayaashu (Users) ay si sahlan iyo waqti yar ku dhammeystaan wixii howl ah ee ay uga baahan yihiin adeegga Internetka 4G ee Hormuud Telecom

Ujeeddada Hormuud Telecom ka leedahay Internetka 4G

Shirkado badan oo isgaarsiineed ayaa dalka ka bixiya  adeegga Internet-ka Mobaylka balse Hormuud waxa ay daah-furka 4G uga dan leedahay buuxinta baahida Internetka ee macaamiisheeda, baahidaas ayaa aad u badatay kaddib adeegyada 2G & 3G oo dalabka adeeggan ee rukunka awgiis laga sii gudbayo, sidaas daraadeed waxa ay Hormuud Telecom keentay  Mobile broadband waxa ayna markan  daahfureysaa adeegga 4G+ LTE (Long Term Evolution)

Ineternet-ku Mobaylku si guud waxa uu maanta kumilmay nolosha iyo shaqooyinka, waxaana jira howlo aan maanta suurtagal ahayn in ay qabsoomaan la’aantiis, howlahaas qaarkood waxa ay xiriir adag la leeyihiin nolosha iyo horumarinteeda, iyada oo haddaba halkaas laga shidaal qaadanayo Hormuud Telecom oo  horumarin iyo kobcin kuwadda fududeynta adeegga Internetka Mobaylku waxa ay ugu talagashay Rukunkeeda in uu helo adeeg Internet oo ah 4G+ LTE kaas kaqaybqaadanaya horumarinta Waxbarashada, Cilmibaarista, Ganacsiga, Isgaarsiinta iyo wacyiga dadweynaha guud.

Waddamada ugu horreeya Adeegga Internetka Mobaylka 4G

  1. South Korea – 95.71%
  2. Japan – 92.03%
  3. Lithuania – 84.73%
  4. Hong Kong – 84.52%
  5. Netherlands – 84.1%
  6. Singapore – 82.61%
  7. Norway – 82.42%
  8. Kuwait – 81.77%
  9. Sweden – 81.37%
  10. United States – 81.3%
  11. Qatar – 81.29%
  12. Hungary – 79.77%
  13. Australia – 79.34%
  14. Taiwan – 78.05%
  15. Finland – 76.36%
  16. UAE – 75.92%
  17. Canada – 75.42%
  18. Estonia – 75.11%
  19. China – 73.83%
  20. Bahrain – 73.82%

(Source: OpenSignal)

Gunnaanad

Hormuud Telecom oo tixgelineysa baahida ay macaamiisheedu u qabaan adeegga Internet-ka Mobaylku waxa ay dhammaan rukunkeeda u soo bandhigeysaa 4G+ LTE oo markii ugu horreysay lagu adeegsan kuma shaqeynaya dhammaan dalka.