SG-Cumar Xasan Albashiir-1989-2019, Sawirka BBC Arabic

Maanta waxa kadhacay Jamhuuriyadda Suudaan ibeddel weyn oo muddo dheer la saadaalinayey balse sida uu u dhacay isbeddelkaas waxa katagaan shaki iyo hubanti la’aan dhinaca dadweynaha ah, haddaba Waa kuma Cumar Xasan Albshiir?

Sarreeye gaas Cumar Xasan Albashiir waxa uu kudhashay tuulada Xoosh Banqa ee bariga Suudaan sanadkii 1944, tuuladaas waxaa deggan  qabiilka Budeyriya oo sidaa oo kale deggan Waqooyiga iyo galbeedka Suudaan.

Albashiir waxa uu afgenbiyey xukuumaddii Saaddaq Al Mahdi sanadkii 1989 waxa uu noqday guddoomiyaha golaha hoggaaminta kacdoonka badbaadadinta Qaranka, isla sanadkaas ayuu iskadhigay madaxa golaha wasiirada iyo madaxa jamhuuriyadda Suudaan, labadaas xil ayuu hal mar isku qabtay, dabayaaqadii 2018 ayuu noqday Albashiir madaxweynihii ugu xukunka dheeraa taariikhda casriga ah ee Suudaan kaas oo jiray 29 sano.

Sidii uu xukunka ugu qabsaday afgenbiga kama dhicin Suudaan wax doorasho ah marka laga tago sanadkii 2010 oo ay doorashadii dhacday mucaaradku isga baxeen kaddibna uu ku guuleystay Albashiir iyada oo xisbiyada mucaaradku ugu yeeray doorashadas mid aan hufnaan iyo caadyaalnimo ku dhicin.

Sarreeye gaas Cumar Xasan Albashiir waxa ay hay’adaha u doodda xuquuqda aadanuhu u jeediyeen dhalliilo iyo eed badan waxa ayna eedahaasi u badnaayeen kuwo xiriir la leh dembiyada kadhanka bani’aadminida iyaga farta ku fiiqay gobolka daarfuur sanadkii 2009, waxaana baadigoob ugu jira maxkamadda dembiyada dagaalka basle xukuumadda Albashiir ayaa gaashanka u daruurtay dhammaan eedahaas isaga oo si joogto ah u booqda waddamo Carbeed iyo kuwo Afrikaan ah taas oo kadhigan in uu si cad u diiday go’aanka halka dhinac ah ee maxkamaddaas.

Dadku intooda badan wax aqoon ah kuma laha nolosha gaarka ah ee Albashiir, ma laha wax carruur ah inkasta oo uu guursaday laba xaas, waxa uu hoggaamiyeyaasha ciidanka iyo madaxda kala duwan ee lamaaha ammanaka kudhiirrigelin jiray in ay guursadaan, isaga oo kafaalo qaad u sameeyey xaasaska ay ka tageen madaxda iyo ciidamada taas oo u soo jiidday sumcad iyo karaamo badan oo uu kudhex leeyahay ciidanka.

Saaddaq Al Mahdi- hoggaamiyaha xisbiga Ummadda (Raisalwasaaraha xukuumaddii uu afgenbiyey Albshaiir 1989), Sawirka BBC Arabic

Saaddaq Almahdi oo ah hoggaamiyaha xibsiga Umadda ayaa hadda kamid ah mucaaradka ugu adage e kahorjeeda madaxweyne Albashiir iyada oo lagayaabo in Almahdi uu niyadda kuhayo Afgenbigii xukuumaddiisa ee uu hoggaaminayey Albashiir muddo hadda laga joogo kudhowaad 30 sano.

Horraantii xukunka Milateriga ah ee Albashiir waxa uu horseeday horumar dhinaca dhaqaalaha ah sidaas oo kalana waxa uu dalku galay deganaansho siyaasadeed marka laga tago dhinaca Koofurta Suudaan oo kujiray halganka gooni isu taagga ee Koofurta.

Habka uu xilka uga degay

Dad badan oo kamid hoggaamiyeyaasha mudaaharaadyada Suudaan iyo xisbiyada siyaasadda ayaa u arka in habka uu xilka isaga casilay ALbashiir ay tahay mid lamid ah in uu weli xilka joogo iyaga oo tuhmaya Wasiir gaashaandhigga oo ay aad isugu dhow yihiin Albashiir, sidaas oo kale dad badan ayaan u arkin in uu dhacay afgenbi millateri balse waxa ay qabaan in madaxweynuhu uusan Istaaqalo sameyn ee uu xilka kuwareerijiyey saaxiibadiisa ciidanka xooogga dalka Suudaan

Xiriirka Soomaaliya & Suudaan

Waddamada Suudaan iyo Soomaaliya waxa ay leeyihiin xiriir markiisii hore ku billowday Suugaanta iyo Amniga kaas oo dhexmaray xukunkii Kacaanka milateriga ee Soomaaliya iyo madaxweyne Albashiir, xiriirkaas ayaa horseeday in labada shacab ay wadaagaan dhinacyada dhaqanka iyo Waxbarashada kaddibna siyaasadda iyo nabadgelyada.

Suudaan waxa ay kamid tahay waddamada carbeed ee kaalinta fiican ka qaatay caawinta dib u kabashada Soomaliya, madaxweyne Albashiir waxa uu dhowr mar iskudeyey in uu fududeeyo shirar u dhexeeyey dhinacyada isku hayey siyaasadda Soomaaliya, waxa uu ku marti geliyey Suudaan shirar iyo wadatashi kusaabsan wadahadalka kooxaha siyaasadda ee Soomaaliya waxaana ugu dambeeyey kulankii ay xukuumaddii kmg ahayd ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo golaha maxkamadihii midoobay ku yeesheen Khurduum dabayaaqadii sanadkii 2006.

Dhinaca kale aryday badan oo Soomaaliyeed ayaa wax ku barata Suudaan, kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu nool waddankaas, waxaana suuragal ah in dadka iyo dalka Soomaaliyeed aanay u wanaagsanayn haddii waddankaas galo dhibaato dhinaca siyaasada ah.

Xigasho: BBC Carabi, Aljazeera, Mustaqbal Radio iyo Warbaahinta Suudaan