Luka Modrić ayaa dhawaan loo caleymo saaray abaal marinta ay bixiso majalada caanka ah France Football ee Ballon d’Or.

Daafaca Barcelona ee Clément Lenglet ayaa wareysi uu siyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay in Luka Modrić uu u qalmay inuu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or 2018.

“Ciyaaryahan ahaan, ma jiro xidig ka fiican Lionel Messi, balse sanadkan Luka Modrić, iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda Faransiiska ah ayaa u qalmay inay ku guuleystaan abaal marinta Ballon d’Or 2018”.

“Xulka France wuxuu ahaa mid cajiib ah koobkii aduunka wuuna ku guuleystay, laakiin Luka Modrić wuxuu gaaray kulankii finalka, sidoo kale wuxuu ku guuleestay tartanka Champions League”.

“Luka Modrić waa ciyaaryahan cajiib ah, waxayna ila tahay in sanadkan uu u qalmay ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018, sababtoo ah waa ciyaaryahan aad u wanaagsan” ayuu hadalkiisa kusoo koobay daafaca.