Xulka qaranka Rwanda ayaa ku ciyaari doona Soomaaliya wareega koowaad iyo labaad ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 2020-ka waana tartanka guud ee qaramada Afrika ee (CHAN) sidaa waxaa xaqijiyay xiriirka kubada cagta Africa (CAF).

Rwanda oo soomaaliya ka hortagtay isreebreebki ciyaarahii bariga iyo bartamaha Africa ayaa lugta hore ee wareega koowaad ku ciyaari doonta Magaalada Muqdisho ee caasimada somaaliya July 26-28, 2019 lugta labaad ayaana ka dhici doonta Kigali August 2-4, 2019.

Lugta koowaad ee wareega labaad ayaa markaa lagu ciyaari doonaa Kigali ama Soomaaliya bisha September 20-22 taas oo ku xiran sida kooxuhu u socdaan wareega labaad kadibna lugta labaad waxaa lagu qaban doonaa Kampala ama Juba Oktoobar 18-20.

Hoos ka aqri qaabka loo ciyaarayo Tartanka (CHAN) 2020 iyo Waqtiga La Ciyaari doono.

Wareega Koowaad:

Match 1: Tanzania vs Sudan (July 26-27-28, 2019)

Match 2: Sudan vs Tanzania (August 02-03-04, 2019)

Match 3: Kenya vs Burundi (July 26-27-28, 2019)

Match 4: Burundi vs Kenya (August 02-03-04, 2019)

Match 5: South Sudan vs Uganda (July 26-27-28, 2019)

Match 6: Uganda vs South Sudan (August 02-03-04, 2019)

Match 7: Somalia vs Rwanda (July 26-27-28, 2019)

Match 8: Rwanda vs Somalia (August 02-03-04, 2019)

 Wareega Labaad:

Match 9: Guuleystaha Kenya/Burundi vs Guuleystaha Tanzania/Sudan (Sept.20-22, 2019)

Match 10: Guuleystaha Tanzania/Sudan Vs /Guleystaha Kenya/Burundi (Oct.18-20, 2019)

Match 11: Guuleystaha Somalia/Rwanda vs Guuleystaha S. Sudan/Uganda (Sept. 20-22)

Match 12: Guuleystaha S. Sudan/Uganda Vs Guuleystaha Somalia/Rwanda (Oct. 18-20)

 

W/Q: Abdullahi Hussein @Djabdalla666@Gmail.com.