Xarakada Al-shabab ayaa Habeen hore 7 ka mid ah Gaadiidka Waaweyn ee dhuxusha qaada ku gubay degaanka Doonka ee Duleedka Degmada Afgooye.

Gaadiidkan oo isla socday ayaa waxaa dab qabadsiiyay xubno ka mid ah AL-shabaab kaddib markii ay jidka u galeen.

Degaanka Gaadiidkan lagu gubay waxaa uu wax ka yar 7km u jiraa Degmada Afgooye oo uu dhinaca Waqooyi uga beeganyahay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada lahayd Gaadiidka dhuxusha waday ee ay Gubeen Al-shabaab ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Gaadiidka ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo waardiye ka hayay.

Qof ka mid ah Ganacsatada oo sababo amni u qariyay Magaciisa ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ee Gaadiidkaas galbinayay ay wateen Gaari Carip ah, islamarkaana markii ay Al-shaabab weerareen gaadiidka ay howdka ku carareen.

Ganacsatada leh Gaadiidka la gubay ee dhuxusha waday ayaa sheegay in markii ay shalay tageen degaanka ay wax ka dhaceen ay arkeen Askartii Gaadiidkaas waardiyaha ka ahayd oo iyaguna qoryahooda ka dhexraadinaya beeraha oo ay Habeenkii ku tuureen.

Todobada Gaari ee Xamuulka ah ayaa dhuxusha ka soo qaaday Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ay ku dhawaayeen Degmada Afgooye.

Ganacsatada lahadashay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Gaadiidkaas uusan rajo dambe lahayn marka laga reebo Matoorrada,waxaana ay Maamulka Afgooye iyo Ciidamadii loo xilsaaray Gaadiidkaas ku eedeeyeen in ay dayaceen Hantidooda sidaasna lagu gubay.