Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Puntland ee loo yaqaano  PSF waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa waxaa howlgalkaas ku tageen Tuulada Af-urur oo tiro laba jeer ah ay weerar khasaaro dhaliyey ay kusoo qaadeen Ururka Al-Shabaab,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab.

Howlgalka kadib ayaa saraakiisha ciidamada PSF waxa ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan tuulada Af-urur, waxana ay uga hadleen sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Howl galadaan ayaa imaanayo ayada oo uu dhawaan sheegay Madaxweyne Dani in ay xaqiijinayaan amaanka deegaanada Puntland.