Howlgalka ayaa ahaa mid guri guri lagu baarayay sida dadka deegaanka ay Mustaqbal u sheegeen, ciidamada ayaa goobo fagaare ah isugu geeyay qaar kamid ah dhalinyarada ay soo qabteen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay sii daayeen qaar kamid ah dadka u badan dhalinyarada ee ay soo qabteen, kadib baaris ay mariyeen.

Ciidamada Dowladda ayaa xadiday dhaqdhaqaaqa dadka deegaanka ceelasha biyaha inta ay ku guda jireen howlgalkooda.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa mustaqbal u sheegay in howlgalka uu bilawday xalay fiidkii, uuna soo gaaray xili dambe.

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa howlgal habeen kahor ay ka sameeyeen isla deegaankaan waxa ay sheegeen in ay kusoo qabteen hub iyo walxo loo adeegsado qaraxyada.

Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in goobta ay galeen Ciidamada in ay ahayd keydka hubka Al-Shabaab, xog ay heleena ay ku fuliyeen howlgalkaas.

Dhanka kale Xaafadda Howlwadaag oo shalay lagu dilay wiil yar waxa ay ciidamada booliiska sameeyeen howlgal ay ku raadinayaan dadka lagu tuhmayo kiiskaan.

Mas’uuliyiinta ammaanka Magaalada Baladweyne wali kama hadlin dhacda iyo howlgalka xigay oo ka dhacay Xaafadda Howlwadaag..

Ciidamada Dowladda ayaa kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.