Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas,Bashiir Cabdi Maxamed ayaa Dalka Jabuuti tabar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Tababarkaan oo qaatay muddo Saddex bil ah ayaa ciidamadaan tababar uga socday dugsiga tababarka Booliska dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Habane,iyaga oo labarayey cashiro la xariira Sugida abniga,Baarista faldambiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Xaflada xiritaanka tabarka waxaa ka qeyb galey Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti,wasiir dowlaha Gaashaandhiga Soomaaliya,Taliyaha difaaca Jabuuti ,Taliyaasha Booliska Soomaaliya iyo Jabuuti iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliya Booliska Soomaaliya S/Gaas Bashiir Maxamed Cabdi ayaa ku amaanay dowlada Jabuuti doorka ay ka qaadatay Tababarka iyo dhismaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxdii ku sugneed xarunta tabarka lagu soo xirayey ayaa ku bogaadiyey ciidamada in ay gutaan waajibaadkooda shaqo.