Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa lagu kordhiyay Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo goobaha kale ee baraha Koontaroolada Ciidamada Booliska ay ka joogaan Magaalada Muqdisho.

Ujeedada Ciidamadan Booliska loogu kordhiyay Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay la xiriirtaa in laga hortago tuugada badan ee maalmahan ku soo kordhay Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ciidamo badan oo Boolis ah la geeyay Suuqa Bakaaraha iyo Xayndaabkaasi, halkaasi oo muddooyinkii dambe ganacsatada si wayn ay uga cabanayeen, tuugo dhac kala duwan u gaysata dadka ganacsatada ah.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xilliyada habeenkii ah sameynaya hawlgalo roondooyin ah oo amniga ay ku xaqiijinayaan, sidoo kalena ay ku baadigoobayaan kooxaha Burcadda ah.

Xarun walba oo ka tirsan waaxyaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la geeyay ciidamo boolis ah, kuwaasi oo si gaar ah u hawlgala xilliyada habeenkii.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa bixiyay amarkaan ciidamada lagu kordhiyay, maadaama ay gaartay cabashada ka timid qaybaha kala duwan ee Bulshada, taasi oo la xiriirta dhaca loo gaysto shacabka.