Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland ay howlgalo ka wadaan Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolkaasi.

Howlgalka ayaa u badan mid miino baaris ah, waxaana maalmihii lasoo dhaafay soo kordhayay Miinooyinka Nuuca Dhulka lagu aaso oo lagu qarxinayay Gawaarida ay adeegsadaan Ciidamada Puntland.

Waxaa barbar socda howlgal kale oo ay ku doonayaan in ay isku fidiyaan, si ay u qabsadaan deegaanno buuraley ah oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Saacadihii lasoo dhaafay halkaa la geeyay Ciidamo dheeraad ah, si ay u qaadaan weeraro ka dhan Al-Shabaab iyo Daacish oo Saldhigyo ku leh Dhulka Buuraha ah ee Gobolka Bari.

Saraakiil katirsan Maamulka Gobolka Bari ayaa sheegay in howlgal Jawaab u ah Dilal ka dhacay Magaalada Boosaaso in ay ka sameynayaan Meelaha ay ku sugan yihiin Daacish iyo Al-Shabaab.

Ciidamada Maamulka Puntland iyo ayaa dhowr jeer la kulmay Dagaal toos ah oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, waxaana looga qabsaday Gawaari dagaal iyo Saldhigyo Ciidan.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo afar cishe kahor ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Magaalada Garoowe waxa uu sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish ay ka saarayan Dhulka Buuraleyda ah ee ay kaga sugan yihiin Gobolka Bari.

Hadalkaan ayaa ka dhashay kadib markii saraakiisha Ammaanka uu kala hadlay sidii wax looga badali lahaa falalka amni darro ee u badan dilalka loo geysto Ciidamada Maamulka iyo Ganacsatada Boosaaso.