Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa lagu qabtay Maandooriye fara badan kaddib markii Ciidamada dowladda ee jooga degmadaas ay howlgal sameeyeen.

Howlgalkan waxaa horkacayay Maamulka Degmada Balcad iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee dowladda ee ku sugan Degmadaas.

Qaasim Cali, Guddoomiyaha Degmada Balcad ayaa sheegay in saddex Rag ah iyo labo Dumar ah lagu qabtay Xashiishkan iyaga oo diyaarinayay.

Maamulka Degmada Balcad ayaa shacabka degmadaas uga digay in ay ku lugyeeshaan ka ganacsiga iyo adeegsiga Maandooriyaha kala duwan,iyaga oo intaas ku daray in ciddii lagu qabtana lala xisaabtamayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here