Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

Diyaaradaha duuliye la’aanta (Droneska) ay adeegsadaan Ciidamada Mareykanka ayaa qayb ka ahaa Howlgalka oo duqeeyay Deegaanka Jilib Marko sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen degaanka isla markaana ka fuliyay Howlgal qorsheysan.

Idaacadda ku hadashada Afka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo ay u xaqiijiyeen in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha deegaanka Jilib Marko.

Saraakiisha Danab ayaa intaa raaciyay in xubno hogaan u ah Al-Shabaab iyo ku dhawaad 22 Dagaal yahan in Howlgalka ay ku dileen.

Magacyada saraakiisha ay howlgalka sheegeen in ay ku dileen Ciidamada isugu jiray Danab iyo Mareykanka waxa ay ku kala sheegeen Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza oo ay sheegeen saraakiisha in uu dhawaan kasoo laabtay Dalka Siiriya.

Saraakiisha Danab waxa ay intaa ku dareen in ay gacanta ku dhigeen Afar gaadiid oo ay sheegeen in Al-Shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qarxa si ay weeraro ugu fuliyaan sida ay hadalka u dhigeen.

Al-Shabaab wali kama hadlin Howlgalkaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana xubno katirsan ay ku dileen.

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwo Mareykan ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay Howlgalada ay ka sameynayaan Deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.