Faahfaahin dheerada ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo magaalooyinka buula barde iyo Jalalaqsi lagula eegtay Ciidamo Ajaanib.

Qaraxa koowaad oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, ayaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom, Ciidanka la qarxiyay waxey marayeen deegaanka Buurweyn oo dhanka koofureed 35km uga toosan magaalada Buula barde.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada, ayaa burburiyay gaari kamid ah kuwa Gaashaaman oo ay wateen Ciidanka Amisom, Gaariga la beegsaday waxaa ku xirnaa qalabka miinooyinka baara.

Sidoo kale, qarax, waxaa gelinkii danbe ee shalay Jalalaqsi lagula eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah, Ciidanka waxaa lagu helay wado laami ah oo ku socdaalayeen.

Qaraxa oo xooganaa, ayaa burburiyay gaari Uuraal ah oo ay wateen Ciidanka Itoobiya, Gaarigaas, ayaa ahaa mid kamid ah kuwa lagu dabaulo Ciidamada.

Shabaab oo sheegtay masuuliyada labadaasi qarax, waxey sheegteen iney khasaare lixaad leh ku gaarsiiyeen Ciidamada Amisom, Shabaab waxey kaloo sheegteen iney burbur gaarsiiyeen gaadiidka ay qaraxyada la eegteen.