Baarlamaanka Dalka Tanzania ayaa haweenka ku jira ka mamnuucay Ciddiyaha been abuurka ah e ay Haweenka ku kordhiyaan Ciddiyaha faraha Gacmaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Tanzania Job Ndugai,ayaa haweenka ku jira Baarlamaanka ka mamnuucay in xarunta Baarlamaanka ay la galaan Ciddiyaha bugta ah ama been abuurka ah iyo Indhakuusha Sunniyaha.

Guddoomiyaha ayaa arrintan u sababeeyay kaddib markii uu digniin dhinaca caafimaadka ah ka helay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Tanzania, Faustine Ndugulile, oo sheegtay in halis dhinaca caafimaadka ah ay ku yeelan karaan dadka.

Amarkan waxaa kale oo uu saameynayaa dadka aan ku jirin Baarlamaanka ee booqanaya xarunta Baarlamaanka sida diblomaasiyiinta iyo xubnaha kaleba.

Waxaa kale oo Haweenka ku jira Baarlamaanka Tanzania laga mamnuucay xirashada dharka Gaaban iyo Saraawiisha Jeanska ah.

Madaxweynaha Tanzania John Magufuli,Haweenka dalkaas ku boorriyay in aysan ilmaha iska soo ridin,dhalmadana badiyaan si dalka uu u helo dad u shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here