Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u direyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Mateo Kovacic.

Blues ayaa lala xiriirinayay inay udhaqaaqday Ramsey dhamaadka Isbuucaan, iyadoo wadahadaladii u dhaxeeyay Galliani iyo Gunners ay sii wadaan inay sii wataan xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa dooneysa inay iska iibiso mid ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah, inkastoo ay xitaa xisaabineyso heshiiska Ramsey ee Waqooyiga London, Daily Mail ayaa sheeganeysa in Chelsea ay haatan isku dayeyso inay la soo wareegto laacibka Real.

Kovacic waa mid ka mid ah xidigaha diirada u saaran Maurizio Sarri, xiddiga Croatia ee wacdarada ka dhigay Koobka Adduunka.

Manchester City ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiso u muujisay  Kovacic bilowgii xagaagan ka dib markii uu ay ku hungoben saxiixa Jorginho oo Chelsea ku biiray.