Kooxda Chelsea ayaa lagu so waramayaa in laga soo diiyay dalab rasmi ah oo ay ka gudbisay xidiga kooxda Sevilla Pablo Sarabia.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Sevilla ayaa ku gacan seyray dalab laga soo gudbiyay xidigiisa Sarabia ii diirada u saaran kooxda Chelsea.

Wargeyska Marca ayaa ku waramaya in Chelsea ay ku hungowday dalab dhan 34-milyan oo ay ka gudbisay dhaliyaha kooxda Sevilla Sarabia.

21 jirkan ayaa dhaliyay 39 gool wuxuuna caawiye ka ahaa 35 gool 142 kulan oo uu u saftay Sevilla tan iyo markii uu ka yimid kooxda Getafe xagaagii 2016.