Naadiga yare e Wolves ayaa xalay cashir cajiib ah u dhigtay kooxda weyn ee Chelsea kulan xiiso badnaa oo ka dhacay garoonka Wolves.

Chelsea ayaa si fiican ku bilaabatay  ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro wakhti hore ah oo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal ay Wolves uga naxsadaan.

Daqiiqadii 18-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ruben Loftus-Cheek kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda chelsea.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood waxba natiijada ka badalin inkasta oo ay qaadeen wareeraro halis ah oo goolal laga dhalin karay.

Qaybtii dambe ayay kooxda Wolves ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo Chelsea wareeryay kuna qaadayay weeraro ay goolal ku doonayeen in ay ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 59-aad ayay Wolves dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raul Jimenez kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro kana dhigay 1-1.

Kooxda Chelsea ayaa isku daydayy in ay dhaliyaan goolal kale laakiin Nasiibka ayaa ka caawin waayay in ay soo taabtaan shabaqa Wolves.

Wolves ayaa dhankeeda Nasiibkeeda ka faa,iidaystay waxana ay daqiiqadii 63-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Wolves hogaanka ku hayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Wolves ku gaartay guul waliba afka u galisay kooxda chelsea guuldaradii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.