Kooxda reer Englan ee Chelsea ayaa ugu dambeyn aqbashay in daafaceeda reer Taliyaani ee Zappacosta ay si amaah ah ku siiso kooxda Lazio.

David Zappacosta ayaa ku dhibtooday in uu ka mid noqdo safka kowaad ee Tababare Zari waxaana uu dalbaday in kooxda laga diro.

Wargeyska The Sun ayaa xaqiijinaya in Chelsea ay aqbashay in ay si amaah ah ku fasaxdo xidigeeda kuna biro kooxda Lazio.

26jirkaan ayaa Chelsea u saftay 35 kulan xili ciyaareedkii hore ee uu kooxda maamulayay Antonio Conte.