Kooxaha reer Englan ee Chelsea iyo Tottenham ayaa ku loo lamaya saxiixa dhaliyaha kooxda AC Milan ee Suso.

Xidigii hore ee Liverpool Suso ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay garoonka kooxda AC Milan tan iyo markii uu kuso biiray wuxuuna ka mid noqday xidigaha halbowlaha u ah kooxda.

Chelsea ayaabku raad joogta adeega xidigan balse waxey hardan adag kala kulmi doontaa dhigeeda Tottenham oo iyana isha ku heysa adeega laacibka Milan.

Qandaraaska xidigaan waxaa lagu bur-burin karaa aduun dhan 32.7 milyan wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay 6 gool wuxuuna caawiye ka noqday 4 kale xili ciyaaredkiin 2018-19.