Kooxda AS Monaca ayaa si rasmi ah u xaqiijisay iney dhameystirtay saxiixa xidiga qadka dhexe ee Chelsea Cesc Fabregas.

Cesc Fabregas ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano iyo badh ah oo uu kula joogi doono kooxda reer France ee Monaco.

Fabregas ayaa tijaabada caafimaadka ku maray maanta France kadib markii ay laabda kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga.

31 jirka ah ayaa kula midoobay kooxda Monaco xiddigii hore ee Arsenal  Thierry Henry oo tababare ka ah kooxda Monaco.