Wasiirka Arrimaha Socdaalka Canada Axmed Xasan ayaa shaaciyay Rabitaankooda in ay qaadaan dad gaaraya 750 qof oo magangalyo-doon ah, kuwaa oo ka cararaya in lagu addoonsado Dalka Liibiya labada sano ee soo socota.

Waxa uu sheegay in Sanadkii 2017 ay qaadeen 150 qof, iyaga oo la shaqeynaya Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee loosoo gaabiyo UNHCR.

Axmed Xasan Wasiirka Socdaalka Canada ayaa intaa raaciyay in ay doonayaan labada sano ee soo socota in ay qaadaan dad badan 700 oo qof oo kamid ah Soogalootiga Liibiya ku sugan.

Boqol kamid ah waxa uu tilmaamay in ay yihiin Qaxootiga Niger, waxaana lagu hayaa Xarumaha Hay’adaha Qaramada Midoobe iyo tan socdaalka Adduunka ee ku yaalla Dalka Liibiya.

Waxa uu sheegay in ay sii kordhayaan dadka Tagaya Liibiya si ay kaga sii tahriibaan, taasine ay leedahay saameynteeda.

Qulqulka dadka Liibiya ku sugan oo dhammaantood kasoo jeeda Qaaradda Afrika waxa uu tilmaamay in ka baxsanayaan is adoonsiga iyo Colaadaha ka jira Dalalkooda.

Wasiirka Socdaalka Canada

Dowladda Canada ee uu wasiirka ugu yahay Arrimaha Socdaalka ama soogalootiga waxa uu sheegay in marwaliba Al-baabada Soo dhoweynta ay u furayaan dadkaan si ay u helaan Caawinaad joogto ah, una helaan waxyaabaha ay ku haminayaan oo ay khatarta u gelinayaan Naftooda sida uu hadalka u dhigay.

Tirada Tahriibayaasha ka tallaabaya Liibiya si ay u gaaraan Yurub ayaa kor u kacay tobankii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii uu dhacay Xukunkii Mucammar Al-Qadaafi oo lagu riday Kacdoonkii Guga Carabta ee Dalkiisa ka dhacay sanadkii 2011-kii.

Mucammar Mohammed Abu Minyar Gaddafi ayaa Madaxweyne ka ahaa Liibiya intii u dhaxeysay 1961-2011, Liibiya ayaa gashay Dagaal sokeeye oo aan dhammaad laheyn, waxaana warbixino laga diyaariyay lagu sheegay in lagu kala iibsado dadka afrikaanka ee u taga in ay kaga sii gudbaan Dalalka Yurub, isaga oo kasii tallaabaya biyaha u dhaxeeya.