Wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in maanta Maxkamad la horgeeyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xubno kala tirsanaa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ujeedka ayaa ahaa in la gudo galo dhageysiga Eedaha loo heysto Cabdi Maxamuud iyo Xubnaha la xiran ee katirsanaa Maamulkiisa.

Waxaana loo heystaa in ay geysteen Dambiyo ka dhan ah Aadanaha Muddadii ay Maamulka Deegaanka Hayeen.

Kaaliyaha Maxkamadda ayaa Cabdi Maxamuud iyo Shaqsiyaadka la xiray Weydiiyay waxyaabaha ay ka cabanayaan iyo hadii ay jiraan Jirdillo loo geysto.

Cabdi Maxamuud ayaa dalbaday in loo Hagaajiyo Cunnada ay cunaan, Halka ay ku tukadaan iyo wax laga qabto Hanjabaad joogto ah oo ay kala kulmaan Ciidanka Xabsiga ku hayo.

Ugu dambeyn Xeer Ilaalinta Itoobiya ayaa 14-Cishe dheeraad ah Siisay Dacwad ku oogayaasha Cabdi Maxamuud Cumar, si ay usoo dhameystaan Kiis Qabyo u ah.