Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil ciidan loo xiray isku dhacyo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Saraakiil ay u xiranyihiin falalka Ciidamada ka dhex dhacay.

Taliyaha ayaa xusay in saraakiisha xabsiga la dhigay lagula xisaabtamayo waxyeellada ka dhalatay dagaal Ciidamo Milatari iyo Boolis ah Muqdisho ku dhexmaray labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dagaal Milatari iyo Boolis u dhaxeeyay ayaa Jimcihii ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Shalay oo Sabti ahayd Ciidamo u kala baxay Milatari iyo Booliska ayaa ku dagaallamay Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Warta Nabadda,waxaana halkaas ku dhintay labo qof oo shacab ah halka labo ka mid ah Booliskana lagu dhaawacay.