Booliiska Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo baxay ay ku sheegeen in aan hub lagu dhex qaadan karin Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Kaliya Ciidamada Ammaanka ayaa loo ogolaaday in hubka ay ku dhex heystaan, wixii kasoo hara ayay sheegeen Booliiska in ay tallaabo ka qaadayaan.

Afhayeenka Booliiska Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid ka qayb ah sugidda amniga.

Ciidamada ayuu sheegay in la faray in ay soo qabtay ciddii aan u hogaansami oo uu tilmaamay in tallaabo ay ka qaadayaan.

Booliiska Maamulka Jubbaland ayaa lagu wargeliyay in ay sameeyaan howlgal ka dhan ah Hubka Magaalada lala dhexmaro.

Sababta go’aankaan keentay waxaa lala xiriiriyay Sugidda Ammaanka, Xakameynta hubka faraha badan ee Magaalada ku dhex heystaan Shaqsiyaad iyo kahor tagga isku dhacyada Ciidamada.