Bilyanneer u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxaa uu raadinayaa 12 shaqaale ah oo u shaqeeya Gabadhiisa oo billaabeysa Jaamacad,afarta sano ee soo socota.

Bilyaneerkan ayaa Gabadhiisa waxaa ay ku biireysaa Jaamacadda St.Andrews ee Dalka Scotland,waxaana ay qaban doonaan shaqooyin kala duwan.

12-ka shaqaalaha ah ayaa qabanaya shaqooyin kala duwan waxaana ka mid ah in, dad u raaca Jaamacadda,kana keena, kuwa nadiifiya Guriga, kuwa diyaariya miisaska Cuntada, kuwo u raaca suuqa xilliga Dukaameysiga,Cuntada u keena, kuwa xilliga Jaamacadda Hurdada ka kiciya, Wadaha Gaarigeeda,mid Al-baabka Gaariga ka fura,  kuwa Al-baabka ka fura saacad kasta oo ay u baahato iyo kuwa u hagaajiya jirka iyo Timaha.

Qoyska Maal qabeenka u dhashay Dalka Hindiya ayaa shaqadan ku bixiyana £30,000 oo Pound-ka Ingriiska ah sanadkiiba.

Shuruudaha waxaa ka mid ah in maaddaama qoyska yihiin dad sumcad leh dadka shaqada codsanaya ay noqdaan kuwo xirfad sare u leh shaqada,waxaana intaas dheer in qoyska ay si joogta ah ula socon doonaan Guriga ay deggantahay gabadha iyo dhaq dhaqaaqa shaqada.