Ganacsatada Dekadda Berbera kala soo dega Badeecadaha ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin kaddib markii ay sharikadda DPWorld kordhisay lacagaha canshuuraha ah iyo qiimaha sarrifka.

DPWorld ayaa waxaa ay 12kii Bishan dhaqan gelisay sare u qaadid lagu sameeyay sarrifka doollarka, taas oo saameyneysa Badeecadaha ka soo dega Dekadda Berbera.

Kulamo u dhaxeeyay Ganacsatada iyo Mas’uuliyiinta DPWorld ayaa ku soo dhamaaday is afgaran waa,waxaana ay Ganacsatada go’aamiyeen in aysan Badeecadaha kala soo bixin Dekadda.

Maanta ayaa lagu wadaa in Guddi ka socda Ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga Somaliland ay la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi oo ay arrintan kala hadlaan.

Khilaafka soo kala dhexgalay ganacsatada iyo Sharikadda DPWorld ayaa saameeyay dakhliga gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland taas oo maalmihii la soo dhaafay aan dhaqaale ka helin Kastamka Berbera.