Kooxda reer Germany ee Bayer Munich ayaa kuso biirtay hardanka loogu jiro saxiixa laacibka kooxda Lille ee Nicolas Pepe.
23-jirkaan ayaa bandhig cajiib ah sameeyay sanadkii hore isagoona noqday xidigii ugu wanaagsanaa xagaagii hore.
Laacibkaan ayaa ka mid ahaa xidigii aadka looga doonayay suuqa kala iibsiga waxaana uu diirada u saarnaa kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay Arsenal.
Wargeyska The Bild ee kaso baxa dalka Germany ayaa ku waramaya in kooxda Munich ay miiska saartay aduun dhan £72m.