Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la bilowday Jordi Alba si uu kooxda usii joogo.

Alba oo 29 jir ah ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu in uu kooxda ka hayaamo bisha janaayo.

Daafacaan ayaa durba waxaa uu dalabyo kala duwan ka helay kooxo dhowr ah waxaana ka mid ah United.

Masuuliyiin ka socda kooxda Barcelona ayaa la kulmay wakiilka xidiga si laacibka looga dhaadhiciyo in uu kooxda qandaras cusub u saxiixo.