Kooxda Barcelona ayaa ugu dambeeyn Go’aan ka gaartay mustaqbak Tababarahooda Ernesto Valverde kasoo la hadal hayay mustaqbalkiisa Cam Nu.

Josep Vives oo ah afyeen u hadlay Barca ayaa sheegay in Ernesto Valverde uu sii ahaan doono tababaraha kooxda Barcelona kadib muran ka dhashay mustaqbalkiisa maalmihii ugu dambeeyay.

Vives oo la hadlaya wargayska MARCA ayaa yidhi”Waan ku faraxsanahay la shaqaynta Valverde iyo wax walab oo uu kooxda u qabtay, arintu way iska cadahay marka laga hadlayo mustaqbalkiisa waxa aan u hagaajin doonaa sida ugu fiican”.

Af hayeenka oo wax laga waydiiyay wakhtiga uu tababaruhu qalinka ku duugi doono heshiiska cusub ayuu yidhi” Hadii aynu wakhti qabano waxa aan dusha iska saaraynaa cadaadis aan loo baahnayn”.

“Waxa aanu u ixtiraami doonaa wakhtiga si fiican si aanu gaadho go,aan kama dambayn ah”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Barcelona ayaa ku jirta olole dhanka heshiis kordhinta ah xilli ay xiddigo badan oo uu ka mid yahayy tababaruhu doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixdaan bilaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here