Naadiga Barcelona ayaa guul soo daahday ka gaartay kooxda Vallecano oo ay marti u ahaayeen su’ares ayaa daqiqadii ugu dambeeyay guul ku hogaamiyay kooxdisa Barcelona.

Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal wakhti hore ah ku dhaliyaan ciyaartana wakhti hore u dilaan si ay isaga ilaaliyaan wax lama filaan ah.

Barcelona ayay wixii ay doonaysay u suurtagashay waxana ay daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kaa soo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Rayo Vallecano ayaa hurdada ka kacday waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed horumar leh iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah iyaga oo sidoo kale difaacanayay.

Kooxda Rayo Vallecano ayaa dhalisay goolka bar-baraha daqiiqadii 35-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jose Pozo kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1-1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro 1-1 ah ku kala bexeen kuna heshiiyeen in ay sidaas ku aadaan qaybta nasashada.

Qaybtii dambe ayay Kooxda Vallecano si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay goolal kale ka dhaliyaan kooxda Barcelona oo khaladaad samaysay.

Daqiiqadii 57-aad ayay kooxda Vallecano u suurtagashay in ay dhaliyaan goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alvaro Garcia kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxda Vallecano.

Kooxda Vallecano ayaa heshay fursado badan oo ay goolal ka dhalin kareen laakiin waxa u suurtagali wayday in ay wax goolal ah u badalaan fursadihii ay helayeen.

Barcelona ayaa dhankeeda hurtada ka kacday iyaga oo bilaabaya raadinta sidii ay natiijada dhanka kale ugu rogi lahaayeen uga gaari lahaayeen guul muhiim ah.

Daqiiqadii 87-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 2/2 ah.

Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-2 oo ay sida Barcelona guul ku gaartay.