Barasaabka ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko ayaa wacad ku maray inuu tallaabo adag ka qaadayo sarakiisha ka midka ah maamulka hoose ee caasimadda gaar ahaan kuwa maareeya goobaha baabuurta la dhigo oo uu ku eedeyay in ay khiyaano wadaan.

Waxaa uu sheegay in shaqaalaha qaar ay sameyeen goobo aanan sharciyeysnayn oo la dhigo baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano (PSV) kuna yaal caasimada Nairobi.

Mr. Sonko ayaa intaasi ku daray in iskaashiga aanan habboonayn ee ka dhexeya qaar ka mid ah sarakiisha maamulka hoose ee magaala madaxda wadanka iyo wadayaasha gawaarida dadweynaha uu horseeday in Nairobi ay lumiso dakhli badan oo soo gali lahaa.

Barasaabka ayaa ku adkaystay inaan marnaba la ogolaan doonin iskudayo lagu carqaladeynayo dadaalka dowladda dhexe ay ugu jirto inay xal u hesho cariiriga dhanka isku socodka baabuurta ee bartamaha Nairobi.