Baarlamaanka Dalka Suudaan ayaa ansixiyay xaalad deg deg ah oo lix bilood ah taas oo lagu so rogay guud ahaan Dalka Suudaan.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa ka duwan go’aankii Madaxweynaha uu bishii hore xaalad deg deg ah oo muddo hal sano ah ku geliyay dalkaasi.

Arrintan waxaa ay ka dambeysay kaddib kacdoon muddo dheer soo socday oo dadka dalkaas ay ku dalbanayeen in uu xilka isaga dago Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Billowgii banaanaxayaasha ayaa ka cabanayay cuntada oo sare u kacday waxaase markii dambe uu isu beddelay mid siyaasadeed.