Baarlamaanka Dalka Algeria ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay Madaxweynaha Kumeel gaarka ah ee Dalka Algeria kaddib is casilaaddii C/casiis Butafliiqa.

Ninka loo magacaabay Madaxweynaha KMG ah ee dalka Algeria C/Qaadir Bin Saalax ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalkaas .

Bin Saalax ayaa beddelaya C/Casiis Butafliiqa,waxaana uu dalka Algeria gaarsiinayaa doorasho ka dhacda muddo 90 maalmood gudahood ah sida uu dhigayo dastuurka Dalka Algeria.

Dadka dalka Algeria ayaa waxaa ay wali sii wadaan banaanbaxa ka dhanka ah Dowladda C/Casiis Butafliiqa,waxaana ay ku baaqayaan in dhamaan Maamulkii Butafliiqa meesha ka baxaan.