Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu dhaariyey hanti dhowraha Cusub ee Maamulka Jubbaland Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib.

Munaasabada xil wareejinta iyo dharinta Cabdicsiis Sh Xuseen oo ah Hanti dhowraha Cusub ee Jubbaland waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo goob joog ka ah dhaarinta hant dhowrka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhamaadkii sanadkii tagey ee 2018 u magacaabay hanti dhowraha Jubbaland Cabdicasiis Shiiq Xuseen Dayib waxaana maanta loo dhaariyey xilkii horey loogu magacaabey.