Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay qorshaha kala guurka Ciidamada Midowga Afrika ee ku howlgala AMISOM.

Waxa uu sheegay in laga maarmi karo ku tiirsanaanta Ciidamada AMISOM, hadii ay Soomaalida is aaminto, isla markaana qaadato go’aan dhab ah oo lagu saleeyay Daacadnimo.

Culeyska ugu daran waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin Al-Shabaab, balse aragtidiisa looga gudbi karo in qorshe siyaasadeed oo ay isla meel dhigaan Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dhaqaalaha badan ee lagu bixiyo Ciidamada AMISOM ay ku filan yihiin Ciidamada Soomaaliya.

AMISOM ayuu sheegay in ay dagaalka kala qaybgalaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, isla markaana aysan kaga geesisaneen dagaalka.

Axmed Madoobe ayaa Dagaalkaan ku sifeeyay in loogu jiro sidii loo heli lahaa Dowlad dhameystiran oo Soomaaliya yeelato, si dib loogu soo celiyo nidaamkii iyo kala dambeyntii.

Talo ahaan waxa uu soo jeediyay Dowladda Federaalka looga baahan yahay in la xisaabtan ay la sameyso Ciidamada AMISOM oo lacago badan qaata, balse aan ku dhaqaaqin Howlgalka.

Ciidamada Soomaalida ayuu sheegay in ay u diyaarsan yihiin dagaalka, dhinaca AMISOM waxa uu ku eedeeyay in aysan ka go’een dagaal ay ku qaadaan Deegaanada ay ku sugan yihiin, sidaas awgeed Madaxda Dowladda Federaalka doorka ugu furan uu yahay ay kala xisaabtanto.

Dowladda Federalka iyo qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhammaadkii sanadkii tagay 2018-kii ku dhawaaqay in bilawga sanadkaan 2019-ka la sameyn doono howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la isweydiinayaa waxyaabaha hortaagan.