Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka warbixiyay socdaal uu shalay ku tagay Magaalada Afgamadoow ee Gobolka Jubada hoose.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maalmihii la soo dhaafay ay wadeen isku dubaridka Ciidamada Al-shabaab ka saari lahaa xarunta Maamulka Jubaland ee Bu’aale.

Waxaa kale oo uu sheegay in howlgalka ka dhanka ah AL-shabaab ee looga saarayo Bu’aale iyo guud ahaan Jubada dhexe la dhameystiray.

Maadxweynaha Jubaland ayaa yiri “Afmadow waan ku taameynay imaanshaheeda,waxaan halkan u nimid inaan dhabarka ka weerarno Bu’aale oo ay heystaan cadowga,waxaana rajeyneynaa in dhawaan laga xoreyn doono”.

Maamulka Jubaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamo ku daabulayay Magaalada Afmadoow kuwaas oo uu sheegay in ay ku qabsanayaan Magaalaad Bu’aale iyo magaalooyinka kale ee ay Al-shabaab heystaan.