Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa waxaa ay shaaciyeen natiijada Doorashada Madaxweyne ku xigeenka.

Doorashada wareegga ugu dambeeya waxaa ku tartamayay Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan iyo Axmed    Cilmi   Cismaan Karaash.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Cabdi IbraahimWarsame uu helay 19 cod,halka Axmed    Cilmi   Cismaan Karaash, uu helay 47 cod.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa horay ugu guuleystay Madaxweynaha Puntland,waxaana ku xigeenkiisa noqday Axmed Karaash.

Labaduba waxaa ay beddeleen C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo ahaa madxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee 5tii sano ee la soo dhaafay.