Baraha Bulshada ayaa waxaa ka billowday Codsi lagu doonayo in Senator Fraser Anning  oo ka mid ah aqalka sare ee dalka Australia laga saaro Baarlamaanka.

Fraser Anning, ayaa ka careysiiyay dad badan markii weerarkii lagu qaaday masaajidda New Zealand uu ka hadlay.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Xildhibaanka ku yiri ” ma taageerayo wax kasta oo qas iyo fowdo ah, laakiin waxa dhacaya waxaa sabab u ah Muslimiinta ku sii kordhaya Australia iyo New Zealand”.

hadalkaas ayaa dad badan ka careysiiyay,waxaana isaga oo mar kale shir jaraa’id ka hadlayya Ukun ku dhuftay Wiil 14 Jir ahaa oo ka careysnaa hadalkiisa.

14 jir isaga oo muuqaal iska duubaya Ukun ku dhuftay Senatorka.

Drs Kate Ahmad, iyo qoraa Harris Sultan oo ku kala sugan Sydney iyo Melbourne ayaa soo jeediyay in la sameeyo wax ka duwan qoraal baraha bulshada ah,waxaana ay abuureen codsiga lagu doonayo in Ninkan looga saaro aqalka sare.

Waxaa uu sii caga cageynayaa 800,000 oo kun oo qof oo u codeeyay ka saariddiisa Baarlamaanka Dalka Australia.

Anne Twomey oo ah Bare sare waxna ka dhiga Jaamacadda Sydney ee Dalka Australia ayaa sheegay in Xildhibaankan aan laga saarin karin aqalka sare ilaa laga beddelo qodobka Privileges Act  ee soo baxay1987kii.

Ninkan waxaa uu taageeray Ninka weerarka ku dilay 50 Qof ee Muslimiinta ah ee ay Soomaalida ka midka ahaayeen.