Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Toogasho xalay Maqribnimadii ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa qeybta sare ee jirka rasaas kala dhacay, Nin la sheegay inuu ahaa kuwa ka shaqeysta rarida Gawaarida Dadweynaha, Marxuumka ayaa durbadiiba goobta ku geeriyooday.

Dad ku sugnaa halka dilka uu ka dhacay, Waxey soo sheegeen in dilka kadib, Raga wax dilay ay Muuqaal ka duubteen Marxuumka.

Ciidamada amniga oo kor ka ilaalinayay Ninka la dilay oo lacagaha gaadiidka uu ka qaado wax ka siin jiray Ciidamada Howlwadaag ayaa eryaday ragii dilka geystay, lama soo sheegin iney gacanta ku dhigeen dadka dilka geystay oo ubaxsaday dhanka Suuqa.

Dhaq-dhaqaaqa Isgoyska Bakaaraha oo uu dilku ka dhacay, ayaa mar kaliya isu badalay meel dadku ka kala tagaan, maadaama Ciidamada amniga ay rasaas dhowr jiho uridayeen.