Wararka ka imanaya degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu dilay saddex Askari oo ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askartan ayaa waxaa toogtay Koox Baskoolado watay xilli ay Canshuur ka qaadayeen Suuqa Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Kooxda dilka geystay ayaa isaga cararay halkii ay ku dileen Askartaasi,waxaana maydka Askarta la geeyay Xarunta C.I.D-da ee Magaalada Muqdisho.

Degaanka Ceelasha ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay dhawaan sheegtay in ay ka soo saartay keydkii hubka ee ugu weynaa AL-shabaab.

Waxaa sidoo kale Booliska Soomaaliya ay sheegeen in Gobolka Shabeellaha hoose ay ka soo qab qabteen ugu yaraan 50 Qof oo lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.