Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid noqotay kooxaha doonaya saxiixa daafaca Tottenham Toby Alderweireld oo aad looga doonayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Alderweireld ayaa Tottenham kula jira heshiis ku eg xagaaga 2020, wuxuuna ka mid yahay xidigaha aadka looga doonayo suuqa.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Arsenal ay kuso biirtay kooxaha xiiseynaya saxiixa laacibka sports-ka Toby.

Sido kale adeega xidigan waxaa ku raad joogto kooxda reer France ee PSG oo dalabyo kala duwan kasoo gudbisay United-kana waa ka mid kooxaha isha ku haya xaalada daafacaan.