Kooxda Arsenal ayaa wali suuqa ka baadi goobeysa badalka macquulka ah ee Ramsey oo kooxda ka tagikara xagaagan.

Masuuliyiin ka socda Arsenal ayaa u duulay Magaalada Munich si ay ula kulmaan wakiilka xidiga amaahda ugu ciyaara Bayer ee James Rodriguez.

Laacibkaan ayaa dhawaan iska diiday in uu dib ugu laabto kooxdiisa Real Madrid isagoona sheegay in uu san jecleyn kulaabashada Real la,aanta Ronaldo.

Wargeyska Germalka kasoo baxa ee The Bild ayaa ku waramaya in Arsenal ay diyaar la tahay aduun dhan 63-milyan oo ay ku doonayaan Rodriguez.