Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub ee Maamulkaas.

Kulanka lagu shaacinayay Golah Wasiirrada cusub ayaa ka dhacay Madaxtooyada Koofur Galbeed,halkaas oo warbaahinta loogu soo bandhigay.

Wasiirrada uu shaaciyay Lafta-Gareen ayaa ka kooban 10 xubnood iyada oo warqadda lagu sheegay in kuwo dib laga soo magacaabayo.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

C/Casiis Lafta-gareen ayaa magacaabistan kaddib u soo ambabaxay Magaalada Muqdisho,waxaana uu Muqdisho kula kulmi doonaa beelaha kale ee ka soo jeeda Koofur Galbeed ee aan wali la magacaabin Wasiirradooda.