Xubnaha aqalka sare ee Maraykanka ayaa cod ay u qadaya qaraar ku aaddan in xukuumada Washington ay soo afjarto tageerada ay siiso isbeheysiga militari ee Yemen,tallaabadaasi ku hakiyay.

54 ka mid ah Senetarada ayaa codkooda ku taageeray qaraarka la hor keenay halka 46 ay ka soo hor jeesteen wax ka aamusay majirin.

Isbeheysigan oo uu Sacuudiga hoggaamiyo ayaa dagaal kula jiro kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen.

Sharci dejiyaasha Maraykanka ayaa madaxweyne Donald Trump cadaadis ku saaraya inuu sii xoojiyo siyaasadiisa ka dhanka ah boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Maaamulka Trump ayaa lagu dhaliilay inuunan si adag uga fal celin dilkii wariye Jamal Khashoggii ee lagu eedeyay Sacuudiga in kastoo ay iska fogeysay.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in sannadkii tagay toddobaad kasta gudaha Yemen lagu dilayay ama ay dhaawacyo soo gaarayeen 100 qof oo shacab ah.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in qiyaastii 60,000 oo qof oo shacab ah lagu dilay isku dhacyada u dhexeya isbeheysiga militari iyo kooxda dowladda Yemen ka soo horjeeda.

Sido kale 85,000 oo carruur ah ayaa macluul ugu dhintay Yemen oo ay sannadihii ugu dambeeyay ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo laga deyrinayo.

Go’aanka ay qaateen xubnaha aqalka Senate-ka ayaa loo gudbin doonaan xubnaha golaha wakiilada si ay markii labaad ugu codeyaan.

Waxay 13-kii bishii labaad ee sannadkan u codeyeen barnaamijkan iyadoo 248 ka mid ah ay taagereen halka 177 kalena ay ka soo horjeesteen in la soo afjaro dhaqaalaha Maraykanka uu ku taageero howlgalka Militari ee uu hoggaaminayo Sacuudiga ee dalka Yemen.