Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, ayaa magacaabay ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsanaan doona Geeska Afrika.

Ergeygan cusub ayaa u dhashay Dalka Gabon,waxaana lagu magacaabaa Parfait Onanga-Anyanga.

Parfait Onanga-Anyang ayaa horay uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobey,waxaa uu mar soo noqday Ergeyga howlgalka Xasilinta Qaramada Midoobey ee Afrikada dhexe.

Sidoo kale 2012kii ilaa 2014kii waxaa uu ahaa Ergeygii qaramada Midoobey ee ka jawaabidda kacdoonkii Boko Haram ee Dalka Nigeria.

Waxaa uu Jaamacadda Paris 1 Pantheon-Sorbonne  ee Dalka France ka heystaa darajada 1aad ee cilmiga siyaasadda, darajada 2aad waxaa uu ku heystaa Cilmiga sociology oo uu ka qaatay Jaamacadda Omar Bongo ee dalkiisa Gabon.

Waa Rugcaddaa dhashay 1960kii,waxaana uu leeyahay saddex Carruur ah.