Ugu yaraan 4 Qof ayaa ku geeriyootay halka 3 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii saaka Ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen dad Maqaayad ku taalla Suuqa Xoolaha ka qaxweynayay.

Kolanyo ka mid ah Ciidanka AMISOM oo marayay Suuqa Xoolaha ayaa waxaa uu qarax Miino qabsaday mid ka mid ah Gawaarida ay wateen gaar ahaanna Booyad ka mid ahaa gaadiidkooda.

Waxaa ay intaas kaddib rasaas la dhaceen Maqaayad ka dhaweyd goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana ka dhashay dhimashada 4 qof iyo dhaawac saddex kale.

Intaas kaddib waxaa Xaafadda Suuqa Xoolaha ka billowday banaanbax ka dhan ah Ciidamada AMISOM,kaas oo ay dadka degaanka uga cabanayeen dhibaatada AMISOM ay ku heyso dadka Rayidkka ah.

Dhowr jeer ooh ore ayaa sidan oo kale AMISOM waxaa ay rasaas ku fureen dad rayid ah kaddib qarax lagula beegsaday Degmada Huriwaa.