Dhaq dhaqaaqa AL-shabab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada AFgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Afgooye ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ku kaceen rasaas ka dhaceysa Magaalada.

Ilaa hadda lama xqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Afgooye.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya u qaabilsan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay ka hortageen wax ay ku sheegeen isku day ay Al-shabab u cabsi gelinayeen dadka degaanka.

Al-shabaab oo aan ka fogeyn Afgooye ayaa dhowr jeer sidan oo kale ugu dagaallamay Afgooye,waxaana mararka qaar uu dagaalku gaaraa gudaha Magaalada.

Maamulka Degmada Afgooye ayaa shalay sheegay in AL-shabaab iyo iyaga ay u simanyihiin awoodda Afgooye lagu maamulo.

Habeenkii Jimcaha ayey Al-shabaab 7 Gaari oo DHuxul waday ku gubeen degaanka Doonka oo 7km kaliya u jira Degmada Afgoye.